Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun adag ku ridday Caasho Macalin Mursal Cali kadib markii ay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ku eedeeyay dambiyo culus oo la xiriira maalgelinta argagixisada, dhaqidda lacagaha sharci darrada ah, iyo taageeridda Ururka Al-Shabaab.
Baaritaanno ay sameeyeen hay’adaha sharci dejinta iyo dambibaadhista ayaa muujiyay in Caasho Macalin ay akoonkeeda shakhsi ah marsiisay lacag dhan $2,120,621 (Laba Milyan, Boqol iyo Labaatan Kun, Lix Boqol iyo Kow iyo Labaatan Doollar).
Lacagahan ayaa loo adeegsaday, Maalgelinta argagixisada, Dhaqidda lacag sharci darro ah, Taageeridda weerarro qaraxyo iyo dilal isdaba joog ah, Kicin iyo khalkhal gelin siyaasadeed iyo Bixinta lacag loogu fulinayo weerarada lagu beegsanayo shacabka Soomaaliyeed
Maxkamaddu waxay go’aamisay in haweeyneedi ay wajahdo 16 sano oo xabsi ah, Ganaax lacageed oo dhan $20,000, In la xiro dhammaan akoonnadeeda bangi iyo In hantideeda lagu wareejiyo dowladda, si loogu soo celiyo khasaaraha dhacay
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud wuxuu hoosta ka xariiqay inay si buuxda uga go’an tahay La dagaallanka maalgelinta argagixisada, Kahortagga dhaqidda lacagaha sharci darrada ah iyo In ciddii ku lug yeelata falal khatar ah la horgeeyo cadaaladda.
Ugu dambeyntii, Xafiiska ayaa wuxuu digniin adag u diray cid kasta oo isku dayda inay ku lug yeelato falal argagixiso ama maaliyadeed oo khatar ku ah amniga iyo xasilloonida dalka.