Haweeney Somali ah oo meydkeeda laga helay Gurigeeda magaalada San Diego ee dalka Mareykanka +VIDEO

1593

Wararka laga helayo dalka Mareykanka ayaa sheegaya in haweeney Soomaali ah meydkeeda laga helay gurigeeda oo ku yaalla magaalada San Diego ee gobolka California wadanka Mareykanka.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Muna Kuri,. da’deedana lagu sheegay 36 sano jir ayaa warkeeda la waayey ilaa Sabtidii, waxaana markii danbe meykeeda laga helay isla gurigii ay ku nooleyd iyadoo dhaawacyo ka muuqdaan qeybta hore ee jirkeeda.

Amiina Salad oo la dhalatay Muna ayaa sheegtay in walaasheed warkeeda iyo wacaalkeeda la waayey Sabtidii, isla markaana uu jiro tuhun ah in Ninkeeda uu ka dambeeyay dilkeeda, waxaana kiiska la wareegay Booliiska oo baaritaan bilaabay.

Saxaafadda Mareykanka ayaa sheegeysa in Muna ay markeedii hor ka timid dalka Kenya, isla markaana ay ahayd qof dabeecad wanaagsan oo ka shaqeysa goob lagu xanaaneeyo caruurta.