Haweeney u dhalatay dalka Shiinaha oo 2.8 milyan oo dollar uga tagtay xayawaankeeda

73

Haweeney da’ ah oo u dhalatay Shiinaha ayaa adduun gaaraya 20 million yuan ($2.8 million) waxay ku saxiixday xayawaannada gurigeeda ku nool si ay dhimashadeeda kaddib u dhaxlaan – iyada oo qadisay gebi ahaanba ilmaheeda oo nool maadaama intii ay nooleyd ay dhinaceeda ka weysay oo aysan soo booqan jirin ama siin jirin wehelkii ay uga baahned.

Sidaas darteed, xayawaannada bisadaha iyo eeyaha ee gurigeeda la joogay intii ay nooleyd oo aan hal maalin dhinaceeda ka faaruqin ayay ku abaalmarisay hantideeda in iyada gadaasheeda ay ku raaxaystaan.

Sheekada haweeneydan waxay hadalheyn qaran ka abuurtay guud ahaanba dal dhaca qaaradda Aasiya ee dhaqaalaha dunida wax ka jaangooya.

Saddexda carruur oo ay dhashay waxay awoodi waayeen inay si xattaa isku bed-beddel ah ay xanaanada hooyadooda iyo wehelkeeda u qeysbadaan. Waxaana maqnaanshahooda ay hooyadani ka dhigatay joogitaankooda.

Booskooda waxaa hagar la’ usoo buuxiyay eeyaha iyo bisadaha guriga la joogo ilaa geeridu kaga imaanayso. Waxayna hadda ku sharfaysaa inay dhaxlaan hantideeda iyaga iyo ilmaha ay sii dhali doonaan mustaqbalka.

Dhaqtarkii daawayn jiray haweeneydan ayay wakiil ahaan hantideeda ugu wareejisay si uu noloshooda ugu maareeyo, sida uu qabo sharciga Shiinaha.

Dadka Shiinaha ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay go’aanka haweeneydan kuwaas oo taageero buuxda la garab istaagay.

Hadday gabadhaydu ay tabtaas oo kale iila dhaqanto, waxaan hantidayda ku dhaafi doonaa kuwa kale,” ayuu soo qoray mid kamid ah.