Heshiis qarsoodi ah oo dhexmaray Puntland & Imaaraadka

27

Sida ay muujinayso warqad sir ah oo la helay Puntland oo kaashanayaa shirkada Dubai Port Authority, ayaa furtay tartan qandaraas ah oo ku saabsan raadinta iyo horumarinta kheyraadka macdanta (gaar ahaan dahabka iyo naxaasta) ee gobolka Sanaag, gaar ahaan aagga Dhootine ee buuraha Calmadow.

Qodobbada Muhiimka ah ee Xogta:

Goobta la rabo in lagu baaro: Dhootine, buuraha Calmadow – Gobolka Sanaag, Puntland.

Kheyraadka la bartilmaamedsanayo: Dahab (Gold) iyo Naxaas (Copper).

Sharciyeynta Mashruuca: Waxa uu si buuxda u waafaqsan yahay Xeerka Kheyraadka Macdanta Puntland.

Faa’iidooyinka la bixinayo: Cashuur dhaafyo (tax incentives) oo ay bixiso Dubai Free Zone.

Fududeynta dhoofinta macdanta iyadoo loo marayo dekedda Dubai.

Taageero siyaasadeed oo gudaha ah, oo ay ku jirto midda suldaan deegaanka ah. Dammaanad qaad amni iyo ilaalin maal-gashi.

Kormeer wadajir ah oo ay wadaan Dubai Port Authority iyo Puntland.

Ujeeddada Qorshahan waxaa ka mid ah In la helo shirkaddo u qalma si ay uga shaqeeyaan sahminta macdanta. in la xoojiyo horumarka dhaqaale ee Puntland iyadoo laga faa’iideysanayo kheyraadka dhulka & in laga faa’iideysto xiriirka ganacsi ee Puntland iyo Imaaraadka.

Warar hore Imaaaraadka ayaa lagu eedeeyay in uu si sharci daro ku qaato qayraadka Wadamada Africa, Mucaaradka dhaliila siyaasada Deni ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland in uu buurahaas khayraadka ku jira doonayo in uu Imaaraadka ku wareejiyo.