Hey’addii Saadaasha Hawada iyo Duulista oo magaca laga bedelay (Go’aan Golaha Wasiirada)

1532

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay isku raacay in magaca laga bedelo Hey’adda Saadaasha Hawada iyo Duulista Rayidka oo ka mid aheyd hey’addaha dowladda ee hoos-taga Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Magaca Hey’adda ayaa laga dhigay Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, kaddib go’aanka Golaha Wasiiradda.

Hey’adda Saadaasha Hawada iyo Duulista ayaa muddo sagaal bilood laheyn Maareeye, kaddib markii xilka laga qaaday Maareeyihii hore ee Hey’adda Yuusuf Cabdi Cabdulle, waxaana si KMG ah u haya xilkaas kuxigeenkii Maareeyaha.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale shirkoodii shalay waxay ku ansixiyeen istiraatiijiyadda iyo qorshaha dhab u heshiisiinta oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, sidoo kale waxaa wax ka bedel lagu sameeyay sharciga canshuuraha iyo dib u eegis lagu sameeyay sharciga dowladda Hoose.