Hirshabeelle oo dib u dhigtay Doorashada laba kursi oo Golaha Shacabka

804

Guddiga hirgelinta dooashooyinka maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyay iney dib u dhigen doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadooda tahay magaalada Jowhar, kuwaas oo sumadoodu kala tahay HOP 70 iyo HOP 115, islmarkaana uu guddiga horay u shaaciyay biloowgii bishan Febraayo.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in sababta labadan kursi dib loogu dhigay ay tahay in guddiga xulista ergada labada kursi aanan laga helin labadii jufo ee laheyd kuraasta.

“Guddiga doorashooyinka Hirshabelle (SEIT) Waxuu la wadaagayaa shacabka Soomaaliyeed inuu dib u dhac ku yimid doorashada labada kursi ee kala ah Hop#070 iyo Hop#115 Ee guddigu horay u shaaciyay taarikhdda markay ahayd 01/02/2022 kadib markii Guddiga Xulista Ergada ee labadaas kursi aan laga helein labadii jufo ee lahayd. Guddiga Doorashooyinka Hirshabelle ayaa dib umadda Soomaaliyeed ula wadaagi doono Jadwalka oo cusub Inshallah.”ayaa lagu yiri Qoaal kasoo baxay Xafiiska Guddiga doorashada Hirshabeelle.

Kuraastaan dib u dhaca ku yimid ayaa sida uu qorshuhu ahaa waxaa lagu waday in doorashadooda ay dhacdo Axada soo socota oo ay taariiqdu ku beegan tahay 06.02.2022, waxaana labadaan kursi ku kala fadhiyay afatii sano ee lasoo dhaafay Aadan Cali Xasan iyo Cali Maxamed Cumar.