Hirshabeelle oo soo saartay liiska musharraxiinta aqalka sare ee Hirshabeelle

1046

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa si rasmi ah usoo soo saaray Liiska Musharixiinta ku tartamaya 8 kursi ee Hirshabeelle ku leedahay barlamaanka Aqalka Sare.

Madaxweyne Gudlaawe ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee doorashada aqalka sare ka dhiga mid furan, isagoo kursi walba kusoo qoray musharrixiin wada doonaya aqalka sare.
Tani waxay ka dhigaysaa in Hirshabeelle ay ka dhicidoonto doorasho ka duwan doorashooyinkii aqalka sare ee ka dhacay dowlad goboleedyada, kuwaas oo u badnaa doorasho hal musharrax u xirnaa kursigu.