Hodan Maxamuud oo Saaka dil toogasho ah ku fuliyay

53

Wararka Saaka laga helaayo Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland ayaa sheegaya in maxkamadu dil toogasho ah ku fulisay hooyo Hodan Maxamuud oo ku eedeysneyd dil ay u geysatay cunug yar oo la nooleyd.

Xukunka Maxkamada Puntland oo hore u dhacday ayaa saaka ugu danbeyn waxaa la fuliiyay xukunkaani oo ahaa qisaasta dilkii hore loogu geystay Saabiriin Saylaan oo ahayd gabar aad u da’ yareyd taasoo si arxan daro ah loo dilay walow la qiyaasayo in Hodan lagu cawiyay dilka.

Muqaalo hore loo shaaciyay waxay cadeynayeen sida arxan darada ah ee gabdhaasi yar dunida loo dhaafsiyay iyadoo jir dil badan uu ka horeeyay intaaneey naftu toos uga wada bixin,Hodan oo saaka loo qisaasay ayaa intii Maxkamadeyntu socotay marar badan isku day inay Maxkamada iska difaacdo walow ay in badana qiraal aheyd.

Ehelada Hodan ayaa isku dayay inay maxkamada marin habaabiyaan si ay u bad baadiyaan laakiin waxaas oo dhan waa shaqeyn waayeen markii la keenay cadeymo ku fulan sharciga iyo nidaamka Garsoorka.