Hogaanka Ahlusuna Oo ka Hor Yimid Hanaanka Loo Marayo Soo Xulidda Barlamanka Galmudug

1534

Qaar ka mid ah xildhibaanada dowlad goboleedka galmudug ee fadhigoodu yahay magaalada dhuusamareeb ee caasimada dowladda goboledka Galmudug ayaa wadda olole ay ku samaynayaan kulan ay uga soo horjeedaan faragalin ay dowlada soomaliya ku hayso doorashada xildhibaanadaan ayaa warbaahinta u sheegay in samaynayaan kulan ay ugu magac darayaan badbaadinta Galmudug Islamarkaana Lagu qabanayo Degaanada Galmudug

Xildhibaanadaan oo sidda la sheegay garab ka Heysta hogaanka ahlusunna gaar ahaa macalin maxamuud iyo shiekh shaakir ayaa ka gadoodsan faralin ay dowlada soomaaliya gaar xildhibaanada heer fadaraal deegaanka ka soo jeedaa ay ku hayaan doorashada galmudug.

Islamarkaana aysan ku qanacsaneyn Hananka loo soo Xulayo Barlamanka Cusub Ee Galmudug.

Halkaan kala soco wixii soo kordha