Hogaanka Jabhada ONLF oo kahadlay go aankii xukumada Rooble

853

Hogaanka Jabhada ONLF ayaa soo dhoweeyey talaabadii golaha Wasiirrada Soomaaliya uu maanta kaga laabtay go’aankii uu golaha 2017 ku gaaray in ururka ONLF loo aqoonsado urur argagixisio, ayna khalad aheyd in Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax loo dhiibo dowladda Ethiopia.

Afhayeenka ONLF Caddaani Hirmooge ayaa ku tilmaamay go’aanka gaartay xukuumadda Soomaaliya mid wax badan la sugayey oo macno badan u sameynaya shacabka Soomaaliyeed.

“Go’aanka ay qaadatay DF Somalia waa mid taariikhi ah oo wax badan la sugayey, iskuna soo dhoweynaya walaalnimada shacabka Soomaliyeed” ayuu yiri Afhayeenka ONLF.

Caddaani Hirmooge ayaa xusay in Jabhadda ONLF ay hogaamineyso halgan ay wadaan shacab gobanimo doon ah oo caalamka oo dhan laga yaqaano, aysana mudneyn in lagu tilmaamo argagaxiso iwm.

“Dowladii hore ee Itoobiya oo iyadu argagaxiso noo taqaanay anaguna aan argagaxiso u naqaanay mooyaane cid bani aadan ah oo argagaxiso noo taqaanay ma jirto” ayuu yiri afhayeenka ONLF.