Hoggaamiyaha golaha koonfurta Yemen oo baxsaday

78

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in hoggaamiyaha Golaha Koonfurta Yemen (STC), Caydaruus Al-Zubaydi, oo ay taageeraan Imaaraadka Carabta, uu u baxay Somaliland, halkii laga filayay inuu u safro magaalada Riyadh ee Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa la filayay inuu martigeliyo wada-hadallo u dhexeeya dhinacyada kala duwan ee koonfurta Yemen, si xal loogu helo khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan halkaas. Si kastaba ha ahaatee, Xuseen Baahamil, oo ka tirsan golaha dhaqdhaqaaqa koonfurta Yemen, ayaa u sheegay warbaahinta Al Arabiya in Caydaruus Al-Zubaydi uu ka baaqsaday safarkii Riyadh, isla markaana uu u gudbay Somaliland.

Dhanka kale, warsaxaafadeedkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay Golaha Koonfurta Yemen (STC) ayaa lagu sheegay in Caydaruus Al-Zubaydi uu weli ku sugan yahay gudaha magaalada Cadan, taas oo dhalisay is-khilaaf ku saabsan halka uu si dhab ah u joogo hoggaamiyuhu.

Arrintan ayaa imanaysa xilli xaaladda siyaasadeed ee koonfurta Yemen ay weli kacsan tahay, isla markaana beesha caalamku ay dadaal ugu jirto in la dardargeliyo wada-hadallo lagu yareynayo xiisadda ka aloosan dalka Yemen guud ahaan.