Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka Suudaan oo latarxiilay

1715

3 xubnood oo ka tirsan Isbahaysiga Mucaaradka oo ay isbuucii hore xireen Ciiddanka Ammaanka ee Suudaan ayaa la sheegay in shalay loo masaafuriyey dalka Koonfurta Suudaan.

Golaha Milliteriga ee haya Talada dalka Suudaan ee TMC ayaa la sheegay inay amreen masaafurinta xubnahaasi ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Xorreynta Suudaan ee Reer Waqooyiga ee SPLM-N.

Madaxa Dhaqdhaqaaqaasi, Yaasir Carmaan, Xoghayaha Gud ee SPLM-N, Ismaaciil Jalab iyo Afhayeenka Dhaqdhaqaaqaasi, Mubaarak Ardol ayaa la sheegay in Garoonka Diyaaradaha ee Khartuum shalay laga saaray Diyaarad Millieri oo ku sii jeeday caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba.

Xubnahaas la masaafuriyey waxay ka mid ahaayeen xubnihii Isbahaysiga Mucaaradka Suudaan ee Jimcihii kulanka la qaatay Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed oo isagu dhexdhexaadinayo Golaha Milliteriga ee TMC iyo Isbahaysiga Mucaaradka iyo Dibadbaxayaasha

Dhaqdhaqaaqa SPLM-N waxay qeyb ka ahaayeen Kooxaha Mucaaradka ugu waa weyn ee qeybta ka ah Isbahaysiga kaalinta ka qaadanayo in Xukuumad Rayid ah lagu wareejiyo Talada dalka Suudaan o oay haatan maamulaan Golaha Milliteriga ee TMC.

Wararka kale ee ka imaanaya dalkaasi waxay sheegayaan in shalay laga wada jaray dhamaan Khadadka Internetka ee laynka ah (Internet Lines)ka ee guud ahaan dalkaasi.

Tallaabadaasi ayaa timid hal isbuuc kadib, markii dhamaan Adeegii Internetka ee Mobaylka hawada laga wada saaray.

Shirkadda Sudatel ee bixisa Khadka Internetka ee Laynka ee dalka Suudaan waxay shalay galab wada joojisay Adeegii Internetka ee caasimadda dalkaasi ee Khartuum, taasi oo caqabad ku noqotay Safaaradaha, Hotelladda waa weyn iyo Xafiisyadda.

Waana markii ugu horreysay ee ay Shirkadda Sudatel jaraan dhamaan Adeegyadii Internetka ee guud ahaan dalkaasi

Tallaabadda lagu jaray guud ahaan Khadadka Internet-ka ee dalka Sudan waxay ku soo beegantay, iyadoo ay Shaqo-joojin baahsan maalintii 3-aad ka jirto caasimada Suudaan iy oqeybo ka mid ah dalkaasi oo looga soo horjeedo Golaha TMC ee hata Talada dalkaasi.