Holland Oo Iska Xaadirisay Finalka UEFA Nations League+SAWRRO

1938

Netherlands ayaa iska xaadirisay finalka UEFA Nations League waxa ayna waqtigii dheeriga ee Extra Time 3/1 ku garaaceen Ingiriiska .

Qeybta hore waxa ay ciyaarta ku dhamaatay min hal gool waxaana ku horeeyay Ingiriiska oo uu daqiiqaddii 32-aad Marcus Rashford u dhaliyay rigoore xilli kan Holland uu yimid daqiiqaddii 73-aad ee qeybta labaad waxaana saxiixay Matthijs de Ligt .

Ciyaarta ahaa aheyd mid xooggan oo xaraard leh waxaana jiray qaladaad ka dhacay daafaca Ingiriiska oo keenay guusha Holland .

Biloowgii qeybta hore, Holland ayaa dar dar wacnedy halk Ingiriiska daafac ahayeen balse markii ay gool-ka ay dhaliyaan waa ay is fur fureen .

Qeybta labaad Holland weerar ayay aheyd halka Ingiriiska ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah balse ciyaarta waxa ay ku dhamaaty min hal gool

Waxaa lagu daray Extra Time , durba Ingiriiska gool qaldan waxaa k dhaliyay Kyle Walker daqiiqaddii 97-aad halka gool sedexaad Holland heleen daqiiqaddii 114-aad waxaana saxiixay Quincy Promes waxa ayna sidaas isaga xaadiriyeen finalka oo ay isku arkayaan Portugal.