Hoobiyeyaal caawa lagu weeraray qeybo ka mid ah Muqdisho

2028

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa jug culus iyo qaraxyo caawa laga maqlay meel u dhaw xerada saraakiisha ciidamada ee degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaal lagu weeraray xarunta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya iyo xero Jarmal, kuwaasi oo jugtooda laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada.

Qaraxyada kadib ayaa waxaa bilaawday rasaas ay rideen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha ay ku dhaceen gudahaxarunta wasaaradda oo ku taalla degmada Deyniile, intaas kadibna ay rasaas ka bilaabatay gudaha iyo daafaha xerada.

Xaaladda ayaa aad u kacsan welina lama ogaa karo khasaaraha ka dhashay weerarka iyo rasaasta ka dambeysay.