Hooyo heshay wiilkeeda 32 sano kadib +Sawirro

1968

Hooyo u dhalatay dalka Shiinaha ayaa 32 sano kadib heshay wiilkeeda oo laga xaday isagoo 2 sano jir ah,waxayna sheegtay inaysan mardambe ka agtagi doonin wiilkeeda ay dib u heshay.

Mao Yin waxa uu ahaa labo sano jir markii aabihii uu ugaga dhex tegey gaari uu watay isagoo u degey inuu biyo u keeno hase yeeshee tan iyo markaas waa ay la’aayeen waalidiintan u dhashay dalka Shiinaha.

Dadkii xaday wiilkan ayaa ka iibsaday qoys aan carruur lahayn oo ku nool gobolka Sichuan oo aan ka fogeyn halka ay ka soo xadeen Shaanxi province sanadkii 1988.

Li Jingzhi oo ah hooyada wiilka la xaday ayaa ka tagtay shaqadeedii markii ay weysay wiilkeeda waxana ay raadineysay muddo 32 sano ah iyadoo boqolaal kun oo qoraala ah u dirty gobolada dalka Shiinaha isla markaana marwalba ka muuqan jirtey taleefishinada iyadoo baafineysa wiilkeeda.

Soddonkii sano ee ay raadinta ku jirtey hooyadan ayaa waxaa loo geeyay boqolaal carruur ah oo qoysaskooda laga soo xaday. Hase yeeshee ciidamada Booliska ayaa helay war ah in qoys degen gobolka Sichuan ay haystaan wiil ay korsadeen soddon sano kahor.

Baaritaanka dhiigga DNAda markii lagu sameeyay wiilkan ayaa lagu ogaaday in halka uu ka soo jeedo waxana uu dib ula midoobay waalidiintiisa dhabta ah.

Gu Ningning oo ah magaca ay u baxsadeen qoyska wiilkan soo korsaday ayaa sheegay inuu jecel yahay in uu la noolaado waalidkiisa dhabta ah.