Hordhac: Atletico Madrid Vs Barcelona: Griezmann Oo Markii Ugu Horaysay Ku Soo Laabanaya Garoonkiisii Hore.

1678

Kooxda Barcelona ayaa marti u noqon doonta kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsan todobaadkii 15-aad ee horyaalka La Liga kana dhici doona garoonka Wanda Metropolitano

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay ku soo laabtaan kaalinta 1-aad ee kala saraynta horyaalka La Liga kaas oo ay haatan Real Madrid kali ku tahay.

Dhanka kale Atletico Madrid ayaa doonaysa in ay ku sii jirto tartanka Horyaalka La Liga waliba dhibcaha ku riibato garoonkeeda Wanda Metropolitano.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Griezmann ayaa markii ugu horaysay ka hor tagi doona kooxdiisii hore oo uu kaga hor tagi doono garoonkiisii hore.

Kulanka: Atletico Madrid Vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Wanda Metropolitano

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Atletico Madrid ayaa bilaa guul ah 18-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka hor tagtay kooxda Barcelona kaliya Real Madrid oo 23 kulan aan guul ka gaadhin Barcelona intii u dhexaysay 2000 iyo 2013 ayaa ah kooxda reer Madrid ee guul la,aanta ugu dheer ku leh koox kaliya.

Kulankii ugu dameeyay ee ay Atletico Madrid garaacdo Barcelona ayaa ahaa Bishii February 2010 markaas oo ay Atletico ku badisay 2/1.

Barcelona ayaa badisay 3 ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda kadib markii ay guul la,aan ahayn 5-tii kulan ee hore.

Barcelona ayaa ah kooxda ugu badan ee goolasha ka dhalisa meel ka baxsan dilinta ganaaxa xilli ciyaareedkan waxana ay ka dhalisay 7 gool halka ay Atletico madrid ka mid tahay 2 kooxood ee aan ilaa haatan wax gool ah ka dhalin meel ka baxsan dilinta ganaaxa.