Hordhac: Newcastle Vs Man City: Magpies Oo Doonaysa In Ay City Ku Dhigto Rikoodh Ay 16 Sano Ka Hor Ku Dhigtay.

1591

Kooxda Man City ayaa marti galin doonta kooxda Newcastle United kulan ka tirsan horyaalka premier League kana dhici doona garoonka St.James’ Park kulan ka tirsan todobaadkii 14-aad ee horyaalka premier League.

City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay cadaadiska ku sii hayaan kooxaha Leicester City iyo Liverpool ee kaga horeeya kala saraynta horyaalka.

Dhanka kale Newcastle oo xaal adag ku jirta ayaa kulanka soo galaysa xilli ay doonayaan in ay gaadhaan guul ka caawisa in ay ka badbaado boosaska looga hadho horyaalka.

Kulanka: Newcastle Vs Man City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga:3:30 Galabinimo

Garoonka: St.James’ Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Newcastle United ayaa raadinaysa in ay guushii 2-aad oo xidhiidh ah Man City ka gaadhaan markii ugu horaysay tan ilaa November 2003 kadib markii ay 2/1 uga badiyeen bishii January.

Man City ayaa dhalisay gool 12-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka hor tagtay kooxda Newcastle United waxana ay guud ahaan dhaliyeen 54 gool iyaga oo ka badiyay 18 kulan oo ay ka hor tageen.

Newcastel ayaan guuldaro la kulmin 5 kulan oo horyaalka premier League ah tan ilaa markii ay guuldaro kala kulmeen Arsenal bilowgii horyaalka premier League.

Man City ayaa badisay ugu yaraan hal gool mid kasta oo ka mid ah 17-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan premier League.