Hordhac: Real Madrid Vs PSG: Los Blancos Oo Ka Gacan Saraysa Kooxda Reer France

3041

Kulan xiiso leh ayaa dhex mari doona kooxaha Real Madrid iyo PSG kana tirsan tartanka champions League kulankii 5-aad ee wareega Group-yada kulan ka dhici doona garoonka Santiago Bernabue.

Real Madrid ayaa isha ku haysa in ay gaadho guul ka caawisa in ay ka aar gudato kooxda PSG iyo waliba in ay xaqiiqsato u soo bixisteeda wareega 16-ka ee tartanka.

Dhanka kale kooxda PSG oo wakhti hore u soo baxday wareega 16-ka ayaa isha ku haysa in ay sii wadato rikoodheeda guulaha ee tartanka champions League.

Kulanka: Real Madrid Vs PSG

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Estadio Santiago Bernabeu

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona markii 10-aad ee ay labada kooxood ku kulmaan tartanka Yurub iyo markii 6-aad ee tartanka champions League iyada oo kooxda Real Madrid badisay 4 ka mid ah 3 ka mid ah PSG ayaa badisay halka ay bar-baro galeen 2 kulan.

Real Madrid ayaa badisay 3 ka mid ah 4-tii kulan ee ay marti galiyeen PSG tartamada oo dhan iyaga oo kaliya hal guuldaro kala kulmay kaas oo dhacay 1994 markii tartanka lagu magacaabi jiray Cup Winner’ Cup.

PSG ayaa 3/0 ku garaacday Real Madrid xilli ciyaareedkan lugtii hore Tartanka waxana ay isha ku hayaan in ay markii 2-aad ee taariikhdooda 2 kulan oo xidhiidh ah ka badiyaan Real Madrid tan ilaa March 1994.

Real Madrid ayaa badisay 8 ka mid ah 11 kulan oo ay kooxaha reer France kaga hor tagtay garoonkeeda iyaga oo 5-tii kulan ee ugu dambeeyay badisay waliba dhalisay 15/1.