Hordhac: Valencia Vs Chelsea: Blues Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Kooxda Valencia

1726

Kooxda chelsea ayaa marti u noqon doonta kooxda Valencia kulan ay Blues 3 u jeedo dartood u soo galayso kulanka ka tirsan kulankii 5-aad ee wareega Group-yada champions League.

Blues ayaa kulanka u soo galaysa in ay xaqiiqsato booskeeda wareega 16-ka, in ay ka Aar gudato Valencia oo Stamford Bridge kaga badisay iyo waliba in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib guuldaradii ka soo gaadhay Man City.

Dhanka kale kooxda Valencia ayaa doonaysa in ay fiicnayso rajadeeda ay wareega xiga ugu soo bixi karto kana badiso kooxda chelsea.

Kulanka: Valencia Vs Chelsea

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 8:55 Fiidnimo

Garoonka: Mestalla

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Valencia ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 7-dii kulan ee ay champions League ka hor tagtay kooxda chelsea kulankaas ayaana ahaa midkii xilli ciyaareedkan ay 1/0 kaga badisay bilowgii tartanka.

Chelsea ayaa 3 kulan champions league booqatay kooxda Valencia waxana ay dhamaantood kala soo laabteen guuldaro la,aan 2 kulan way badiyeen 1 kulan bar-baro ayay galeen.

Dhamaantarada yurub kooxda Valencia ayaa wajahday 9 kooxood oo England ah waliba ay marti galisay kuwaas oo kala ah iyaga oo 7 ka mid ah ka badisay (Leeds United, Liverpool, Man City, Man United, Nottingham Forest iyo Stoke City) halka ayna ka badin kooxaha Chelsea iyo West Bromich Albion.

Chelsea ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay champions League booqatay Spain taas oo ahay kulankii ay guuldarada 3/0 ah kala kulmeen Barcelona.