Howlgal weli ka socda agagaarka Hotel Maka Al-Mukarama +SAWIRRO

1578

Ciidamada amaanka dowlada Somalia oo isugu jira Nabad sugid iyo Boolis ayaa xalay illaa duhurnimadan oo Jimce ah howlgal culus ka wada agagaarka hotelka Maka Al-Muklarama ee magaalada Muqdisho oo weli ka dagaalamayaan Dabley ka tirsan Al-Shabaab.

Qaraxyo iyo tacshiirad kale ayaa wax yar ka hor salaadii jimcaha laga maqlay goobaha uu howlgalku ka socdo, kuwaasoo ay isweydaarsanayaan ciidamada amniga iyo ragga weerarka soo qaaday qaarkood oo weli nool.

Goobta waxaa ka muuqda burbur xoogan gaar ahaan dhismaha Hilaac Uk, Waxaana dagaalku ka socdaa dhismo ku dhegan Hilaac UK oo lagu magacaabo Carwo Shideeye.

Goor sii horeysay saraakiisha qaarkood waxay muujiyeen in howlgalku soo idlaaday balse waxaa hadda muuqata in wali gudaha Dhismaha ay rasaas ka dhaceyso inkastoo aan si buuxda loo ogaan karin sida ay wax u socdaan.

Ciidamada Amniga oo in ka badan 13 saacadood la dagaalamaya dableyda ka tirsan Alshabaab ayaa sheegay in la dilay ilaa 3 dagaalame oo ka tirsanaa Alshabaab, kuwaasoo galay Guri ku dhegan Hotelada Wardhere iyagoo dhufeys ka dhigtay, taasoo keentay inay muddo dheer qaadato si looga saaro.

Ciidamadu ayaa saaka soo badbaadiyey Dadka shacab ah oo ku go’doomay dhismooyinka u dhowaa Hoteellada la weerarray, waxaana qaraxii weynaa ee xalay ku dhintay dad ka baday 40 qof iyadoo dhaawacu ka badan yahay 100 kale.

Saraakiisha Booliska ee howlgalka ku jiray tan iyo xalay ayaa hore u sheegay inuu gabagabo yahay howlgalka, balse waxaa kadib la maqlayey rasaas iyo qaraxyo goobta ka dhacaya.

Dhinaca kale, Warbaahinta dowlada oo markii ugu horeysay ka hadashay weerarkjan ayaa ku warantay in ciidamada amnigu ay dileen saddex nin oo illaa xalay ka dhex dagaalamayey hotelo iyo dhismayaal kale oo ku yaalla wadada Maka Al Mukarama.

“Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan Shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonto macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xogta weerarka oo dhab ah iyo qasaarahii ka dhashay” ayaa lagu yiri war goor dhow ay baahisay wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.