Howlgallo dad lagu qabqabtay oo kabilowday Boosaaso

1791

Ciidamada Booliska Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa xalay ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,halkaas oo lagu weeraray Sarkaal ka tirsan qeybta Cansuuraha Gobolka Bari.

Sarkaalka ayaa Kooxo hubeysyan waxaa la sheegay in meel luuq ah rasaas kaga soo fureen sarkaalka, xilli uu ka adeeganayey Suuqa magaalada Boosaaso,hayeeshee ay israaseyn dhex-martay ilaalada Sarkaalka iyo ragga hubeysnaa taas oo sababtay geerida Nin u dhashay Qowmiyada Oromada.

Ciidamada Booliska Puntland ayaa la sheegay in Magaalada Boosaaso ay xalay ka sameeyeen howlgal dad u badan dhalinyaro lagu qabtay,kuwaas oo la geeyey Saldhiga Booliska Magaalada Boosaaso.

Qof kamid ah dadka ku nool Magaalada Boosaaso ayaa Risaala u sheegay in xilliga ay Ciidamada howlgalka wadeen uu saameeyey Goobo Ganacsi oo ku yaalla Goobta ay wax ka dhaceen,sidoo kale uu arkayey dad badan oo Ciidamadu qabteen.

Si kastaba dhawaan ayay aheyd markii rag hubeysan ay rasaas ku Fureen Gaari ay wateen laba kamid ah Ciidamada Puntland,xilli ay ku sugnaayeen Isgoyska Netka ee Magalada Boosaaso,waxaana saraakiisha Booliska ay sheegeen inay xaqiijin doonaan Amniga Magaalada.