Ibrahim Adan Najax oo loomagacaabay Guddoomiyaha Gobolka Shabelaha Hoose

1983

Madaxweynaha maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Najax.

Wareegto ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Koofurgalbed ayaa waxaa xilkii loogaga qaaday guddoomiyihii hore ee gobolkaas Maxamed Ibrahim Barre, iyadoo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Shabeellaha Hoose loogu magacaabay Ibrahim Adan Najax.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Sh/hoose Ibrahim Adan Cali Najax ayaa hore u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose waxana uu sidoo kale xilal ka soo qabtay dowlad goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso Wareegta ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed