Iiraa oo qabatay basaasiin.

57

Wakaaladda wararka ee Tasnim ee Iiraan ayaa ku warameysa in tobanaan qof oo lagu eedeeyay inay la wadaageen macluumaad xasaasi ah Israa’iil lagu xiray dalka oo dhan.

Tasnim waxay sheegtay in 20 qof lagu xiray waqooyi-galbeed Iiraan iyagoo looga shakisan yahay inay goobo militari iyo amni u direen Israa’iil, halka 10 kalena lagu xiray waqooyi-bari iyagoo xog ururin ka sameeyay kaabayaasha dhaqaalaha ee xasaasiga ah.

Saddex qof oo kale ayaa lagu xiray gobolka galbeed ee Lorestan.

Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa ku eedeeyay Israa’iil iyo Mareykanka inay ka howlgalaan gudaha dalka iyagoo dagaalku sii socdo.