Iiraan oo shuruud adag kuxirtay Heshiiska kama dambaysta ah ee USA.

15

Dowladda Iiraan ayaa maanta ku dhawaaqday in heshiis kasta oo kama dambays ah oo ay la gaareyso Mareykanka uusan dhaqan geli doonin haddii aan Mareykanku ku qasbin Israa’iil inay ciidamadeeda kala baxdo koonfurta Lubnaan, isla markaana ay dib ugu noqoto goobihii ay ku sugnaayeen ka hor bishii Oktoobar 2023. Hadalkan ayaa lagu baahiyey warbaahinta dowladda Iiraan ee IRIB, wuxuuna muujinayaa in Tehran ay arrinta Lubnaan ka dhigtay shuruud muhiim ah oo lagu soo gabagabeynayo wada-hadallada ay la leedahay Washington.

Sida ay sheegtay Iiraan, xasillooni waarta lagama gaari karo gobolka haddii ciidamada Israa’iil ay sii joogaan koonfurta Lubnaan, halkaas oo ay muddooyinkii dambe ka socdeen dagaallo iyo duqeymo la xiriira iska horimaadyada u dhexeeya Israa’iil iyo ururka Hezbollah.

Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa ku doodaya in Mareykanku, maadaama uu yahay xulafada ugu weyn ee Israa’iil, uu leeyahay awood uu ku cadaadin karo Tel Aviv si ay uga baxdo dhulka Lubnaan. Sida ay Tehran sheegtay, tallaabadaas ayaa fure u noqon doonta in la gaaro heshiis dhammeystiran oo lagu soo afjarayo xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka.