Iiran oo weerartay Safaaradda Maraykanka ee Ciraaq.

99

 

Wararka ugu danbeeya ee laga helayo dagaalka ka socda Bariga dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiran ay weerar xaga hawada ah ku qaadeen Safaaradda Maraykanka ee ku taal Magaalada Baqdaad ee Xarunta Dalka Ciraaq.

Muuqaalada laga helay Safaaradda Maraykanka ee Baqdad ayaa muujinaya qiiq iyo uuro laga arkayo Safaaradda xili warbaahinta Dunida siyaabo kala duwan u tabinayaan weerarkaan Iran iyadoo wararka qaar sheegayaan inuu ku dhacay Safaaradda gantaal toos looga soo riday Iran halka warar kalana sheegayaan in Drons ay tahay waxa weerarka Safaaradda fuliyay.

Wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegtay in khasaare uu ka dhashay duqayntaan Iran la beegsatay safaaradda Maraykanka ee Baqdaad inkastoo wakaaladu sii sharixin inta uu uu la egyahay khasaaraha nafeed iyo mida hantiyeed ee ka dhashay weerarkaani.

Weerarka lagu qaaday Safaaradda Maraykanka ayaa yimid kadib markii Baqdad lagu dilay laba ka mida dagaalamayaal Iran ay taageerto oo Ciraq ka dagaalama.

Dhanka kale Warbaahinta Iran ayaa shaacisay in ciidaamada dalkaasi Isra’iil ku qaadeen mowjadihii 48-aad walow aan laga helin warar dheeraad ah oo ku aadan khasaaraha ka dhashay,weerarada Iran ee Israa;iil ayaa ah kuwo joogto ah iyadoo dhismayaashii Talaabiib ay noqdeen kuwo bur burey xili shacabka Yuhuuduna ku dhuuntaan dhismayaal laga sameeyay dhulka hoose.