DAAWO:Ilhan Cumar oo loo dhaariyay xubinimada Aqalka Congreska dalka Maraykanka

2174

Ilhan Cumar ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay oo ka soo jeeda dalka Soomaaliya oo loo dhaariyo xubinimada Aqalka Congresska dalka Maraykanka.

Ilhan Cumar ayaa noqonaysa haweeneydii ugu horeysay ee xijaaban oo fariista Aqalka Congresska dalka Maraykanka iyadoo laga soo doortay degmada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota.

Congresska 116aad ee dalka Maraykanka ayaa waxaa xubno ka noqday markii ugu horeysay labo haween ah oo haysta diinta Islaamka.

Nancy Pelosi oo ah haweeney hore afhayeen uga soo noqotay Aqalka Congreska ayaa marka kale loo doortay inay noqoto guddoomiyaha Aqalka Congresska oo ay ku badan yihiin xisbiga Dimuqraadiga.

Guud ahaan 102 haween ah ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka mid noqdeen aqalka congresska iyadoo 36 ay yihiin dumar ku cusub aqalka halka 43 ay yihiin dumar aan cadaan ahayn.