Gabadha asalkeedu Soomaaliga yahay, balse heesata dhalashada dalka Mareykanka Ilhan Cumar ayaa markii saddexaad ku guuleesatay doorashada kuriga degmada ee shanaad ee gobolka Minnesota ee Congress-ka Mareykanka.
Ilhan Cumar ayaa kursigan waxa ay kula tartantay musharax ka socotay xisbiga Jamhuuriga oo lagu magacaabo Cicely Davis , waxaana ugu dambeyn kursigan ku guuleestay Ilhan Cumar oo katirsan xisbiga Dimuquraadiga.
Xildhibaan Ilhan Cumar ayaa noqotay sanadkii 2018 qofkii ugu horreeyay ee Somali-American ah oo loo doorto Congress-ka Mareykanka, waxa ayna mar kale ku guuleesatay in ay difaacato kursigan .
Ilhan Cumar ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay guushan ay ka gaartay doorashada kuriga degmada ee shanaad ee gobolka Minnesota , waxa ayna sheegtay in doorashadan tahay guul usoo hoyatay dadka Soomaaliyeed.