
Dowladda Imaaraatka Carabta (UAE) ayaa si rasmi ah u shaacisay inay gebi ahaanba kala baxday ciidamadeedii ku sugnaa dalka Yemen, kuwaas oo halkaas u joogay howlgallo la xiriiray la dagaalanka kooxaha argagixisada iyo sugidda amniga.
Wararka laga helayo Yemen ayaa sheegaya in saaka ay dowladda Yemen si rasmi ah Imaaraatka Carabta ugu qabatay muddo 24 saac ah, taas oo la xiriirta xaaladda joogitaanka ciidamada shisheeye ee dalkaasi. Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn iyo falcelin kala duwan oo ka dhex aloosan gudaha Yemen iyo gobolka guud ahaan.

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Difaaca Imaaraatka Carabta ayaa bayaan rasmi ah oo ay soo saartay ku caddeysay in ciidamadeeda horey looga saaray Yemen, isla markaana aysan jirin wax ciidan oo haatan dalkaasi ku sugan. Wasaaraddu waxay tilmaantay in go’aankaasi uusan ahayn mid degdeg ah, balse uu qeyb ka yahay istiraatiijiyad militari oo muddo laga soo shaqeynayay.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Imaaraatka Carabta uu dib u eegis ku sameeyay qaabkii uu u wajihi jiray howlgalada militari ee Yemen, isagoo diiradda saaraya habab kale oo taageero ah, sida iskaashi amni, tababar iyo taageero siyaasadeed, halkii ay ahaan lahayd joogitaan ciidan oo toos ah.
Sidoo kale, Imaaraatka Carabta ayaa xaqiijiyay in inkastoo ay ciidamadiisa kala baxeen Yemen, haddana uu weli ka go’an yahay taageeridda dadaallada lagu xasilinayo Yemen iyo la dagaalanka argagixisada ee gobolka, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah iyo wada-shaqeyn lala yeesho saaxiibada gobolka.
Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Yemen wajahayo isbeddello siyaasadeed iyo kuwo amni oo xasaasi ah, kuwaas oo saameyn ku leh mustaqbalka nabadda, wada-hadallada siyaasadeed iyo xiriirka militari ee u dhexeeya dowladda Yemen iyo xulafadeeda.
Khabiirro ku xeel dheer arrimaha amniga ayaa aaminsan in ka bixitaanka ciidamada Imaaraatka Carabta uu yeelan karo saameyn togan iyo mid tabanba, iyadoo la sugayo sida dowladda Yemen iyo saaxiibadeeda kale ay u buuxin doonaan kaalintii ay ka tageen ciidamadaasi.




















