Imisa Duulimaad Ayey Dawlada Soomaaliya Kacelisay Airporka Hargeysa ?

2262

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo gacanta ku haysa maamulka hawada ayaa dib u celisay duulimaadyada diyaarado ka dagi lahaa madaarka Hargeysa ee somaliland.

Dawlada Soomaaliya ayaa maanta celisay shan duulimaad oo caalami ah kuwaas oo ka dagi lahaa madaarka magaalada Hargeysa ee caasimada somaliland.

Duulimaadyada ay dawlada soomaaliya ka hakisay madaarka Hargeysa ayaa kala ah kala ah diyaarada Fly Dubai oo hal duulimaad laga celiyey, diyaarada Ethiopian Airline oo laba duulimaad laga celiyey iyo diyaarada Jabuuti Air oo laba duulimaad laga celiyey, waxaana somaliland ka dhaqan galay amarkii dawlada federaalka soomaaliya.
Dhinaca kale amarkii somaliland ka soo baxay ee ahaa inay hakisay duulimaadyada ka imanaya Muqdisho ayaan dhaqan gal noqon waxaana madaarka Hargeysa ka soo dagay diyaarado ka soo duulay madaarka Muqdisho.

Diyaarada African Express ayaana madaarka Hargeysa ka soo degtay iyada oo ka soo kacday madaarka Muqdisho, waana Diyaarada Kaliya ee maanta soo caga dhigatay Madaarka Hargeysa.

Arintan ayaa ka dhigan in amarkii dawlada federaalka ah ee soomaaliya ay xayiraada ku saartay duulimaadyada caalamiga ah uu ka hirgelay somaliland halka amarkii somaliland ee lagu xayiray duulimaadyada Muqdisho uu noqday mid jaban oo aan hirgelin, taas oo muujinaysa in maamulka hawada ay si toos ah gacanta ugu hayso dawlada federaalka ah ee soomaaliya.