Imran Khan oo sheegay dadkii ka dambeeyay weerarkii lagu dhaawacay

235

Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa khudbadiisii ​​ugu horeysay jeediyay tan iyo markii la toogtay xilli uu ka qeyb galayay isu soo bax ka dhacay magaalada Wazirabad ee bariga dalkaasi.

Isagoo ku fadhiya kursiga loogu talagalay dadka lixaadkooda kala dhiman yahay isbitaal ku yaal Lahore, Mr Khan wuxuu sheegay inuusan ka badbaadeen toogashada haddii labada qof ee weerarka fuliyay ay “si darandoori ah u ridi lahaayeen rasaasta” .

“Maadaama aan dhacay, mid ka mid ah kuwii toogashada geystay ayaa u maleynayay inaan dhintay, wuuna uu ka tagay goobta,” ayuu yiri.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa ku eedeeyay madaxwaynaha imika xilka haya, Shehbaz Sharif, inuu ku lug lahaa shirqool la doonayay in lagu dilo.

Wasiirka arrimaha gudaha Rana Sanaullah iyo madaxa sirdoonka dalkaasi Faisal Named Naseera ayuu sidoo kale Mr Khan sheegay inay maleegeen shirqool isaga lagu dilayo.

“Saddexdan waxay go’aansadeen inay i dilaan,” ayuu yiri Mr Khan.

Dowladda Pakistaan ayaa beenisay eedeynta uu Mr Khan soo jeediyay.

Dhankooda sarakiil u hadashay militariga Pakistan ayaa waxay beeniyeen eedeynta Mr Khan. Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa dhanka kale sheegay in dibadbaxyada ay sii socon doonaan ilaa saddexdani masuul ay xilka ka dagaan.

Wuxuu ka dalbaday Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka janaraal Qamar Javed Bawjoh in tallaabo laga qaado ‘dadka xun-xun’ ee ciidanka ku jira.

Waxa uu sidoo kale ka dalbaday madaxa cadaalada dalka Pakistan in uu xaqiijiyo cadaaladda dhacdadan.

Bishii hore, guddiga doorashada Pakistan ayaa Mr Khan ka mamnuucay inuu qabto xafiis dowladeed, taasoo uu ku tilmaamay ciyaaryahankii hore ee Cricket-ka mid siyaasadeed.

 Maxaa dhacay Khamiistii?

Isu soo bixii xisbiga Imran Khan oo ka soo billowday Lahore kuna socday Islamabad ayaa gaaray Gujranwala oo ka tirsan gobolka Punjab.

Kumannaan qof ayaa la socday kolonyadan.Imran Khan ayaa saarnaa gaari korka ka banaan isaga iyo qaar ka mid ah madaxda sare ee xisbiga.

Ka dibna qof ayaa bilaabay inuu rasaas furo. Markii dambe waa laga itaal roonaaday ninkii weerarka geystay, waxaana ku dhawaacmay 14 qof ayaa ku dhaawacmay, hal qofna waa uu ku naf waayey.

Taas waxaa barbar socday, Imran Khan ayaa sidoo kale lugta laga toogtay.

Imran Khan ayaa isla markiiba la dhigay isbitaalka Shaukat Khanum ee magaalada Lohar, halkaasoo lagu sameeyay qalliin xalay xilli dambe, waxaana hadda la sheegay inuusan dhaawaciisa halis ahayn.