Indonesia Ninkii Al-Qaacidda bamka u sameyn jiray oo nabaddoon isu beddelay

1932

“Waxaan ahay bam sameeye, waxaanan ku samayn karaa wax ka yara shan daqiiqo”

Cali Fauzi, waxa uu ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsan Jamiica Islaamiya, ururu malleeshiyaad ah oo xidhiidh la leh ururka Alqaacida kaas oo masuul ka ahaa weerarkii Bali ahaana kii ugu xumaa ee ka dhaca Indoniisiya, 2002 kaas oo galaaftay dad ka badan 200 qof.

“Walaalkay ayaa fuliyey qaraxii Bali. Waxa uu ahaa qarax weyn oo ku dhacay wadnaha jasiiradda dalxiis ee dalkaaas”

Kooxdan ayaa sii waday weerarrada culus ee ku qaadayaan Indoniisiya- gaar ahaan huteellada waaweyn iyo safaarada Reer Galbeedka, Waxaana u ah saldhiggooda tuulada yar Tenggulun ee ku taal Lamongan, gaar ahaan goobta lagu magacaabo East Java.

Hadda Cali Fauzi qorshihiisu waa ka duwan yahay kii hore. Waxa uu ka shaqeeyaa inuu caawiyo jihaadiyiintii hore dadka ay nolosha ay kaga tageen, sida oo kalena ka hor istaago in kooxdu qorato dad cusub oo kaga soo biira koonfur bari Aasiiya.

“Xaqiiqadu waa inay fududdahay inay qortaan dad cusub kooxaha argagaxisada ahi” ayuu sheegay.

“Waxay u baahan yihiin keliya inay billaabaan, markaas dad badan ayaa ku soo biiraya. Joojinta iyo ka hortegidda xagjirayntuna waxay qaadanaysaa wakhti, waa in tallaabo tallaabo marba la qaadaa”

Qorshihiisan cusub waxa uu u hayaa niyad wanaag fara badan, waxa uuna rabaa inuu wakhti badan geliyo.

“Hanjabaadaha isoo gaadhayaa way sarreeyaan, waana ay badheedhsan yihiin. Keliya ma aha hadal uun ee xataa waxay gaadhsiisan yihiin dil, laakiin dhab ahaantii, kama baqayo waan ogahay inaan saxanahay waana aan u diyaar garoobay inaan u dhinto hawshan qabashadeeda”

Waxaa jirey muuqaal la baahiyey – Afqaanistaan, Bosniya iyo Falestiin, dhammaantood lagana daawaday taleefanka gacanta kaas oo ka yimi tuuladoodii xasilloonayd ee Javanese – waxaana uu dhiirigelinayey Cali Fauzi iyo walaalihiis inay kusoobiiraan kooxaha xag-jirka ah.

“Waan arkay muuqaal arxan darro oo dad shacab ah si xun loo laayey. Waxaan doonay kolkaa inaan qayb ka noqdo jihaadka oo muslimka ka saaro bahdilaadda. Anigaa ku hubaysnaa dhallinyaronimo iyo dhiig kulul, waxaanan doonayey inaan dib wax isaga dhicinno”

Xilligii ay walaalihiis aadeen inay ka barbar dagaallamaan xarakadii Mujaahidiin ee Afqanistaan, Cali Fauzi wuxuu ku sugnaa meel u dhaw hoygiisa, wuxuuna ku biirey xagjiriinta Islaamiga ah ee ka dagaallamayaya carriga Muslimiinta ee Koonfurta Filibiin.

“Xaqiiiqdii waxaan rabey inaan dhinto, waanan sii qiyaasi jirey sida aan u dhiman doono mar kasta” ayuu sheegay.

Markay walaalihiis ka soo noqdeen Afgaanistaan, waxay siin jireen tababar ku saabsan wixii ay ku soo barteen dibedda.

Bishii Oktoobar 2002, waxay ka mid ahaayeen koox qarxisay laba bambooyin oo lala beegsaday goobo lagu caweeyo oo ku yaal aagga Kuta ee Bali, jasiiradda ay caanka ku yihiin dalxiisayaasha caalamiga ah.

Cali Fauzi ayaa yidhi “waxaan ku arkay TV-ga si weyn ayaanan uga naxay, maydad badan ayaa muuqday” ayuu yidhi Cali Fauzi “waxana ay horseedday inaan xaqiiqsado in dawladdu ay naga saxan yihiin.”

Laba ka mid ah walaalihiis, Cali Ghufron iyo Amrozi, ayaa ladilay halka kan seddexaad, Cali Imron, uu ka dambeeyay xabsi daa’in.

Cali Fauzi, waxa uu ku adkaystay in aanu ku lug lahayn qaraxii Bali, laakiin saddex sano ayuu xabsi ku qaatay iyadoo lala xidhiidhinayo dambiyo kale oo argagaxiso. Xilligaas jeelka waa marku noloshiisii u afgemigu ku dhacay ee uu jeestay jihada cusub ee layaabka leh.

“Booliisku wuxuu iila dhaqmeen si bini’aadamnimo ah. Hadday i jidhdili lahaayeen markaa waxaa suuragal ahaan lahayd in toddobo qarni ka dib aniga faraca iga danbeeyaa ay sidaa uun ula dagaallami lahaayeen dowladda Indonesia,

“Waan necbaa booliska, waxaan u haystay inay Iblays. Taasi waa wixii nala baray. Laakiin xaqiiqadu gabi ahaanba way ka duwan tahay arrintaas. Waana markii maankaygu beddelmay”

Sidoo kale waxa uu la kulmay dhibbanayaashii qaraxyadii ay kooxdiisu fulisay.

“Waan ooyay. Qalbigayguna wuu dhalaalay, markaan arkay saameynta xun ee ay bambooyinkayagii keeneen. Taasi waa wixii iga beddelay xubin dagaal ee igu beddelay halgamaa nabadeed”