Ingiriiska Oo Gaadiid Badan Ku Wareejiyay Dowladda Somalia +Sawirro

1825

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay Dowladda Ingariiska kala wareegtay gaadiid farabadan oo nooca dagaalka qeybahooda kala duwan ah oo loogu talo galay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Goobta ay munaasabada ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa Taliyaha Ciidanka Qaybta 60-aad, xubno ka socday Dowladda Ingariiska iyo Saraakiil kale, waxaana gaadiidkaas lagu wareejiyay dowladda uu qeyb ka yahay ka ah dib-u-dhiska ciidamdda.

Siihayaha Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa Dowladda Ingariiska uga mahad celiyay taageerada ay marwalba la garab taagan tahay soomaaliya iyo Gaadiidka nooca gaashaadhaan oo ay ugu deeqday.

Wasiir Amar-dambe ayaa sheegay in gaadiidkaan ay sigaar ah u isticmaali doonaan Ciidanka Xoogga gaar ahaan Qaybta 60-aad ee ka howlgala deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Waxaan u mahadcelinayaa Dowladda UK oo nagu wareejisay gaadiid nooca dagaalka ah, ayna ka soo jawaabtay codsigeena oo ah in ay nagala qaybqaataan dib u dhiska Ciimadameena Qalabka sida” ayuu yiri Wasiir Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe).