Ingiriiska oo Soomaaliya ka cafisay dhamaan deymihii ay ku laheyd

85

Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay in dowlada Soomaaliya ay ka cafisay dhamaan deymahii ay ku laheyd, kadib kulan ku dhexmaray xarunta Safaaradda Ingiriiska ee magaalada Muqdisho ku leedahay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo masuuliyiinta Safaaradda dowladda UK ee Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan iyo Safiir ku xigeenka Safaarada Ingiriiska ee Muqdisho Sam Thomas oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa ugu dambeyn Safiir ku xigeenka waxuu u xaqiijiyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya in dowladda UK ay Soomaaliya ka cafisay 100% deymahii ay ku laheyd.

“Arintaan waa mid daba socota go’aankii ay dhawaan gaareen Wadamada ku bohoobay ururka Naadiga Paris, go’aankaas ayaa dhigayay in Dowladda Soomaaliya ay wadahadalo gaar gaar ah la qaadato dalalka Paris Club, si loo sii dhameystiro cafinta deymaha ay lee yihiin dalalka qaarkood” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiir Biixi Iimaan.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa talaabadaan UK ku cafisay dhamaan deymahii Soomaaliya ku laheyd ku sheegay guul u soo hoyatay dowladda Soomaaliya.