Dowladda Iiraan, ayaa soo bandhigtay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Orbiter-5 oo ay soo saarto Israa’il , taa oo ciidamada cirka soo rudeen intii uu socday dagaalkii u dhaxeeyay labada dal.
Diyaaradan Iran soo riday oo aheyd mid casri ah ayaa ku qalabeysan tiknoolajiyada casriga ah ee reer galbeedka. Waxay ka mid ahayd dhowr diyaarad oo ay Iiraan soo riday muddadii lagu jiray dagaalkii 12 maalin socday.
Horumarinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan, waxay ahayd wax ka yimid diyaarad ay Iiraan ka soo riday Mareykanka sannadkii 2019 oo nooceedu u ahaa RQ-4A Global Hawk, taasoo ahayd mid kamid ah diyaaradaha sirdoonka ugu casrisan ee Mareykanka leeyahay, markaa oo ay Iiraan tixraacday tiknoolajiyada iyo qaab dhismeedka diyaaradan.
Iran, ayaana diyaaradan ay Israa’iil kasoo riday dib u eegis ku sameeneysa, waxaana suurto gal ah in ay ka hesho fursado mar kale Iran ku hormarin karto diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay sameysato.