
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in ay jiraan calaamado muujinaya in Israel ay raadineyso fursad ay ku weerarto Iran, isagoo ka digay in tallaabo noocaas ah ay sii xumeyn karto xasiloonida gobolka.
“Waxaan rajeynayaa inay helaan waddo kale, laakiin xaqiiqadu waxay tahay in Israel, gaar ahaan, ay raadineyso fursad ay Iran ku weerarto,” ayuu Fidan u sheegay idaacadda Turkiga ee NTV.
Fidan ayaa intaa ku daray in uu si toos ah uga digay arrintan mas’uuliyiinta Iran intii uu booqasho ku joogay dalkaas.
“Markii aan booqday Tehran, waxaan u sheegay wax walba oo ku saabsan xaaladda sida saaxiibkooda,” ayuu yiri. “Saaxiibka ayaa sheegaa runta xanuunka leh,” ayuu intaa ku daray.
Ka digista Fidan ayaa imaneysa kadib markii Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu telefoon kula xiriiray Madaxweyne Iran, Masoud Pezeshkian, isagoo u sheegay in Turkigu ka soo horjeedo faragelinta shisheeye ee Iran ayna qiimeeyaan nabadda iyo xasiloonida deriskooda.
Mas’uul sare oo Iranian ah ayaa Reuters u sheegay Jimcihii in Tehran ka jawaabi doonto weerar kasta oo cadawgeedu ku qaado sidii “dagaal buuxa” – taasoo qeyb ka ah hadallo sii xoojinaya xiisadda ka dhex taagan Washington iyo hogaanka Iran.
“Haddii Maraykanku xadgudbo xuduudda iyo madaxbanaanida Iran, waxaan ka jawaabi doonnaa,” ayuu yiri mas’uulka sare.
Mas’uulka ayaa intaa ku daray: “Ciidamadeenu waa diyaar xaalad kasta oo ugu xun, waxaana wax walba la saaray digniin sare. Weerarkii ugu dambeeyay, ha ahaado mid kooban, mid aan koobaneyn, ama mid kale, waxaan u qaadan doonaa dagaal buuxa oo aan ugu jawaabi doono si ugu adag.”
Sidoo kale, warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in markabka dagaalka ee USS Abraham Lincoln iyo kooxdiisa ay ka leexdeen Badda Shiinaha u jihaysatay Bariga Dhexe, iyadoo la filayo inay gaaraan gobolka Gulf-ka maalmaha soo socda.
Dhanka kale, Madaxweyne Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay inuu u diray “ciidamo badeed” gobolka Gulf-ka, isagoo mar kale kordhiyey hadallada ka dhan ah Tehran, kaddib markii uu toddobaadkii hore ka laabtay hanjabaaddii weerar lagu qaadi lahaa Iran, xilli ay jiraan mudaharaadyo baahsan oo ka dhan ah dowladda.



















