Iran oo tallaabo milatari ugu Hanjabtay Imaaraadka.

19

 

Xiisad cusub ayaa ka dhex qaraxday Iran iyo Imaaraadka Carabta, kadib markii Iran ay si cad ugu hanjabtay inay “si adag” u beegsan doonto magaalada Ras Al Khaimah haddii ay sii socdaan waxa ay ku tilmaantay “gardarro” la xiriirta muranka jasiiradaha.

Hanjabaaddan ayaa timid kadib fariin ay warbaahinta dowladda Iran ku baahisay barta Telegram, taas oo uu jeediyay afhayeenka ciidamada qalabka sida. Wuxuu sheegay in tallaabo kasta oo dheeraad ah oo Imaaraadku ka qaado jasiiradaha lagu muransan yahay ay keeni karto jawaab militari oo toos ah, isagoo si gaar ah u xusay in bartilmaameedku noqon karo Ras Al Khaimah.

Muranka ayaa salka ku haya lahaanshaha jasiiradaha Abu Musa iyo Greater Tunb, kuwaas oo Iran ay la wareegtay sanadkii 1971, xilli uu dhammaanayay gumeysigii Ingiriiska ee gobolka. Imaaraadka ayaa muddo dheer ku doodayay in jasiiradahan ay si sharci darro ah ugu jiraan gacanta Iran, isla markaana ay qayb ka yihiin dhulkiisa.