Isimada Mudug ee Punlant oo kuraasboob ku eedeeyay Deni

900

Isimada gobolka Mudug ee Puntkand ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahai Deni inuu faro galin qaawan ku hay0 doorashada labo kursi oo la sheegay inuu u doonayo inuu u xiro masuuliyiin maamulkiisa katirsan.

War-saxaafaddeed xalay kasoo baxay Isimada ayaa lagu sheegay in kuraasta hop 198 iyo hop 199 uu madaxweyne Deni ku sameeyay boob, kadib markii ay Isimadu u sheegeen inay doonayaan in kuraastan si siman loogu tartamo, cidnana aan loo xiri karin

Isimadu waxay soo saareen baaq ah inaan doorashada laga qeyb galin islamarkaana aysan waxba ka jiridoonaan natiijada kasoo baxda kuraas la boobay doorashadooda, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay sheegeen tallaabooyinka uu qaadayo Deni inay wiqii karto xasiloonida iyo midnimada Puntland, iyagoo ku baaqay in la qabto doorasho hufan oo waafaqsan habraaca doorashada aqalka hoose.