Isku Aadka Copa America Oo La Soo Saaray ,Argentina Vs Uruguay Xilli Brazil Ay Ku Dhaceen Colombia

1939

Ururka kubadda cagta Latin America ayaa sameeyay isku aadka koobka Copa America ee 2020-ka ee lagu qabanayo wadamada Argentina iyo Colombia .

Tartankaas ayaa bilaabanaya 12-ka June waxa uuna dhamaanayaa 12-ka July ee sanadka 2020-ka

Sanadkaan waxaa tartankaas ka qeyb galaya oo lagu marti qaaday Qatar iyo Australia , waxaana koobkaan ilaalsaneysa Brazil iyaga oo kaga guuleystay Peru

Laba qeyb ayaa loo qeybiyay, qeybta Waqooyiga waxa ku jira Colombia , Brazil , Qatar , Venezuela, Ecuador iyo Peru.

Qeybta Koonfureed waxaa ku jira Argentina , Australia, Bolovia, Uruguay, Chile iyo Paraguay, waxaana kulamada waqooyiga lagu qabanayaa Colombia halka dhanka koonfurta lagu qabanayo Argentina

Min afar qaran ayaa ka soo kala baxaya labada Group oo u gudbaya Quarter – finalka