Iskuulada Muqdisho oo laga waayay 10-ka ugu darajada sarreeya imtixaanada dalka

3406

Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga sare, waxaana imtixaanka sanadkan natiijada kasoo baxday ka duwanaa kuwii sanadihii hore.

Natiijada imtixaanka maanta la shaaciyay ayaa dad badan filan waa ku noqotay, waxaana 10-ka arday ee ugu sareysa imtixaanka sanadkan laga waayay ardayda wax ku barata iskuulada kuyaala magaalada Muqdisho.

Ardayda ugu badan ee Imtixaanka u fariistay ayaa ah kuwa ku nool magaalada Muqdisho, waxaana natiijada imtixaankan shaki badan ka muujiyay sax ahaanshaheeda ardayda iyo maamulayaasha iskuulada kuyaala magaalada Muqdisho.

Afarta arday ee ugu sareeya Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka 12-aad waxaa galay arday kasoo jeeda gobolka Gedo, waxaana cel celis ahaan deegaanada Jubbaland ardayda kasoo jeeda 10-ka hore ugu jira 6- halka Banaadirna uusan halna ugu jirin.

Halkan ka akhriso magacyada 10-ka arday ee ugu sareeya Imtixaanka