Iskuulo ku yaalla Gaarisa oo cabsidarteed Loo xiray iyo Macalimiintii oo ka baxday

2003

Weerarada joogtada ah ee kooxda Alshabaab ka fuliso qeybo kamid ah gudaha dalka Kenya ayaa sababay inay xidhmaan iskuulo badan oo ku yaalo Gobolka Gaarisa., Kadib markii ay halkaas isaga carareen macalimiintii dhigayey oo ka cabsaday weerarada kooxda Alshabaab, iyagoo sheegay inay gacanta ka baxday Amniga Gobolka Gaarisa.

Guddiga Macalimiinta Kenya [TSC] ayaa sheegay in shaqo joojinta ay sameeyeen macalimiinta ay timaaday kadib markii ay Dowladda Kenya wax ka qaban weysay xaaladda Amniga ee Gobolka Gaarisa oo maalmihii dambe ay ka dhaceen weeraro khasaaro geystay oo ay soo qaaday kooxda Al-Shabaab.

Guddiga Macalimiinta Kenya ayaa ugu baaqay waalidiinta ay ardayda u dhiganayeen Iskuulada Gobolka Gaarisa inaysan iskuul usoo dirin inta ay dowladda Kenya xal u keeneyso dhibaatada Amniga ee Gobolkaas ka taagan sida uu sheegay Xasan Sheekh Cali oo ah Afhayeen u hadlay guddigaas.

Guddiga Macalimiinta Kenya ayaa diiday inay macalimiin kale keenaan Iskuulada ay ka tageen macalimiintaas iyagoo taas sabab uga dhigay inay keeneyso kala qeybsanaan ayna fududeeneyso inay macalimiinta galaan gacanta Al-Shabaab.

Macalimiinta Gobolka Gaarisa isaga cararay ay gaadhaya illaa 30 Macalin kuwaas oo ka naxay dhimashada seddex ka tirsan saaxiibadii ay macalimiinta isla ahaayeen oo ku dhintay weerar ay Bishii hore Alshabaab ku qaaday iskuul ku yaalo Gaarisa.

Kenya ayaa ilaa hadda ku guuleysan la’ inay ka hor tagto weerarada Alshabaab ee gudaha dalkaas, waxayna mar kasta sheegtaa inay xoogga saareyso sidii Al-Shabaab looga sifeyn lahaa Gobolka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inay joojin doonin weerarada ay ka geysato gudaha Kenya inta ay Dowladda Kenya kala baxeyso ciidamada ka joogo Soomaaliya ee ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.