Israa’iil oo kasii dhamaanayaan Gantaalada Difaaca

35

Israa’iil, ayaa la kulantay xaalad aysan fileyn, kaddib markii weerar culus oo ay ku qaaday dalka Iran, waxa ayna Israa’iil la kulantay jawaabo aysan talada kusii darsan in ay kaga imaan karaan Iran, waxaana Israaiil ilaa hadda ku hoobanaya gantaalo culus oo ay iska difaaci la’yihiin.

Nidaamka difaaca Israa’iil, ayaa ku guul dareestay in ay iska difaacaan gantaalaha culus ee Iran kusoo weerartay, waxaana gantaalaha Iran oo ku dhacay magaalada Tel Aviv iyo magaalooyin kalaba sababeen dhimasho iyo dhaawacyo badan iyo sidoo kale burbur xooggan.

Sarkaal u dhashay dalka Mareykan ah oo la hadlay wargeyska Wall Street Journal, ayaa sheegay in Israa’iil uu kasii dhammaanayo gantaalada difaaca ee loo yaqaano Arrow 3, kaas oo loogu tala galay in uu kahor tago duqeymaha gantaalaha.

“Haddii Iiraan sii waddo duqeymaha gantaallada, Israa’iil waxay halis ugu jirtaa in ay ka dhammaadaan keydka gantaallada difaaca ee Arrow 3 oo ay awooddi wayso inay iska difaacdo weerarrada Iiraan” ayuu iri sargaalkan Mareykanka u dhashay.

Israa’iil, ayaa dhibaato badan kala kulmeysa sidii ay uga hortagi laheyd gantaalaha Iran kusoo garaaceyso gudaha dalkeeda, taas oo tahay waxaa hadda Israa’iil kasii dhammaanaya gantaalaha difaaca oo markii horaba ku fashilmay in ay kahor tagaan gantaalada culus ee Iran kusoo weerarto.