Israaíil oo weerartay magaalada Doha ee dalka Qatar

15

Diyaaradaha dagaalka Israaíil ayaa goordhaw duqeyn culus oo diyaaradeed ka geestay xarumo kuyaalla magaalada Doha ee caasimaddda dalka Qatar, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in duqeynta lala beegsaday xafiiska ururka Xamaas ee kuyaalla Doha.

Duqeynta ka dhacday magaalada Doha, ayaa wararku sheegayaan in Israaíil ku bartilmaameedsatay hoggaamiyaasha kooxda Xamaas ee halkaasi degan, walina lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntan goordhaw dhacday.

Majed Al-Ansari, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Qatar, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in waddanku uu “si adag u cambaareynayo” weerarka, oo uu sheegay in lagu qaaday dhismayaal la deggan yahay oo ay deggan yihiin xubno badan oo ka tirsan xafiiska siyaasadda ee Xamaas.

“Weerarkan dambiilaha ah waxa uu ka dhigan yahay xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo qawaaniinta caalamiga ah iyo khatar weyn oo ku wajahan amniga iyo badbaadada Qatar iyo dadka deggan Qatar,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Iyadoo si adag loo cambaareynayo weerarkan, dowladda Qatar waxay xaqiijinaysaa inaysan u dulqaadan doonin hab-dhaqankan aan ka fiirsiga lahayn ee Israa’iil iyo faragelinta joogtada ah ee ay ku hayso amniga gobolka, iyo sidoo kale tallaabo kasta oo lagu beegsanayo ammaankeeda iyo madax-bannaanideeda, baaritaannada ayaa ku socda heerkii ugu sarreeyay, faahfaahin dheeraad ah ayaa lagu dhawaaqi doonaa isla marka la helo.”

Muuqaallo la baahiyay ayaa laga arkayay qaraxyo culus iyo qaac madow oo ka baxaya goobaha la duqeeyay, lama oga ilaa hadda khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay duqeyntan goordhaw ka dhacday magaalada Doha.