Maanta ayaa ahayd maalintii Israel ka oohisey ama sida ay ugu yeereen maalinta madow. Shan sarkaal oo sare oo ka tirsan ciidamada Israel ee hal doorka ah ayaa xalay lagu diley woqooyiga marinka Gaza, 14 kalena waa lagu dhaawacay. Sida ay baahiyeen ciidanka Israel saarkiisha la lalaayey ayaa kala ah.
1- Sarreeye Guud Meir Shimon Amar oo 20 jir ah.
2- Moshe Nissim Farsh oo 20 jir ah.
3- Sarreeye Gaas Naoum Aharon Masjedian oo 20 jir ah.
4- Sergeant First Reserve Benjamin Assulin oo 28 jir ah iyo sarkaal kale oo aan weli magaciisa la baahin.
Ciidanka xalay la weeraray ayaa ah ciidanka guutada 97-aad oo la yiraahdo magacooda Netzah Yehuda kuwaasoo u dhisan hab diimeed.
Sidee u dhacay weerarka
Dhaqdhaqaaqa iska caabinta marinka Qasa ee Xamaas, ayaa la xaqiijiyay mid ka mid ah howlgaladoodii ugu horumarsanaa inay xalay ka fuliyeen gudaha Qasa, iyagoo beegsanaya ciidanka Israel.
Waa tan faahfaahinta weerarka;
Weerarka wuxuu ahaa mid si xeeladeysan loo diyaariyay, wuxuuna ka koobnaa afar qarax iyo rasaas toos ah.
Qarax koowaad: Waxaa lala beegsaday gaari gaashaman oo ay la socdeen ugu yaraan 6 askari oo ka tirsan ciidanka Israel, kaasoo gebi ahaanba burburay.
Qarax labaad: Waxaa lagu bartilmaameedsaday ciidamadii gurmadka ee u soo gurmaday gaariga la gubay.
Qarax saddexaad: Mar kale, waxaa lagu weeraray gurmadkii labaad ee isna doonayay inuu badbaadiyo kooxdii hore.
Qarax afraad iyo rasaas toos ah: Waxaa lagu beegsaday dhammaan dhaawacyadii iyo askartii dhulka yaallay markii weerarkii hore dhacay.
Ilaa hadda, wararka hordhaca ah waxay sheegayaan: Dhimashada askarta Israee ay dhaaftay 10 askari oo la sheegay inay saraakiil ku jiraan, qaar ka mid ahna ay gubteen markii gaariga la qarxiyay. inkastoo Israel ay qiratay geerida shan askari oo kaliya, Waxaa kale oo jira tobaneeyo dhaawac ah, kuwaasoo intooda badan la filayo inay si xun u dhaawacmeen.