Israel oo burburisay gurigii lagu dilay Yaxya Sinwar+SAWIRRO

27

Israa’iil ayaa bambooyin culus ku qarxineysa gurigii uu ku dhintay isagoo la dagaallamaya hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar sida ay Al Jazeera ka soo xigatay telefishinka Israa’iil ee Channel 12.

Yuhuuda ayaa doonaya iney raad tiraan dhismahaas si uusan astaan ugu noqon halganka kooxaha iska caabinta falastiiniyiinta, wararka qaarkood ee hadda soo baxayna waxay sheegayaan iney dhulka la simeen dhismahaas.

Ciidanka Israel ayaa gurigaas ka taagay calanka Israel oo uu maalmo ka dhan ka babanayey ka hor inta aysan go’aansan in la burburiyo gebi ahaan sida laga daalacan karo sawiro laga soo qaaday.

Ciidanka Israel ayaa sidoo kale soo bandhigay hubkii uu ku dagaalamayey Yahya Sinwar ee uu ku heystay dhismahaas kuwaasoo ka koobnaa dhowr qori iyo rasaas booshado ugu jirtay sida laga arki karo sawirada hoose.

Dhinaca kale Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Israa’iil ee Knesset oo xubin ka ah xisbiga uu Netanyahu hoggaamiye ee Likud, Tali Gottlieb ayaa iyadoo u muuqata inay eedeynayso Mareykanka waxay sheegtay inuusan sarkaal darajo hoose bixin dukumentiyada la xiriiray qorshaha weerarka ay Israa’iil ku qaadayso Iran ee u gacan galay Tehran taas beddelkeeda waxay sheegtay si ula kac ah in loo bixiyay dukumeentigan si looga hortago weerarka ay Israa’iil ku qaadayso Iran.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sidoo kale ku warrantay inay badan tahay surtagalnimada uu aaminsan yahay Netanyahu si ula kac in sirta qorshaha weerarka gacanta loogu geliyay Iran, si hoos loogu dhigo nooc kasta oo weerar dhalin kara dagaal gobolleed oo ay Israa’iil ku qaadi karto Iran.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA