Aqalka baarlamanka Yuhuuda (Knesset) ayaa u codeeyey qaraar mamnuucaya in dadweynuhu duubaan, sawiraana meelaha y ku dhacaan gantaalada Iran
Waxaa loo aqoonsanayaa qofkii lagu helo Basaas u shaqeynaya Iran sida uu dhigayo xeerkaas ay soo saareen.
Tani, waxay ka dhigan tahay in ay Tal aviv dareemayso culeys xoogan, ayna isku dayeyso iney qariso khasaaraha iyo burka gantaalaha Iran oo illaa hadda ay rumeysan la’dahay.
saakay ayay Iiraan gantaalo kugaraacay isbitaalka ugu wayn ee Televiib kaas oo dhaawac wayn soogaary.
Wariyayaasha ayaa horey looga mamnuucay iney si toos ah u tebiyaan duqeymaha ka dhacaya Israel
Saacad kahor wasiirada xagjirka ah ee xukuumada Netanyaha ayaa sheegay in ay doonayaan in daawashada TV-yada Carabta oo dhan laga mamnuuco Israel.
Dhinaca kale, Iiraan, ayaa weerarkii saaka ku beegsatay saldhigyo muhiim ah oo qaarkood lagu sheegay inay yeelaan nidaamyada nukliyeerka ee Israa’iil
Mid ka mid ah goobaha xasaasiga ah ee weerarrada ay ka dhaceen waxaa ka mid ah saldhigyo ku yaalla koonfurta dhulka Israa’iil ay heysato inta uu socday weerarkii horraantii maanta.