Itoobiya oo amartay in Cabdirashiid Janan kabaxo beled baxo Balad-xaawo

38

Warar soo baxaya oo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegaya in saraakiil Itoobiyaan ah oo ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo, muddo saddex maalin ah u qabteen in Cabdirashiid Janan iyo ciidanka dowladda ee ka amar qaata uga baxaan degmada Balad-xaawo ay dhawaan dagaal kula wareegeen.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ugu magacaaban dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in saraakiil Itoobiyaan ah degmada Balad-xaawo kula shireen odayasaha dhaqanka, waxa uuna xuseen in saraakiishaasi amar ku bixiyeen in ciidanka dowladda uu hoggaamiyo Janan deg deg uga baxaan Balad-xaawo.

“Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa timid Doolow, odayaasha ayey la kulmeen amar ayey bixiyeen ku aadan Xerada UK ee Beled-xaawo iyo madaxda DFS ee halkaas joogta khaasatan Wasiir Cabdirashiid waqti ayey u qabteen 3 beri ah inuu kaga boxo Beled-xaawo taasi oo wax u dhimaysa derisnimada”, Ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo.

Degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, waxaa maalmo kahor dagaal kula wareegay ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaali,ya uu hoggaaminayay Cabdirashiid Janan oo dowladda Soomaaliya usoo magacayday taliyaha NISA iyo madaxa amniga gobolka Gedo.

Itoobiya, ayaa si weyn saameyn ugu leh siyaasadda gobolka Gedo lagu maamulo, waxa ayna dhawaan ciidamada Itoobiya ee jooga degmada Doolow iyaga oo garab siinaya ciidamada Jubbaland weerar ku qaadeen xero degmadaasi ka joogeen ciidamo katirsan Nabadsugidda Soomaaliya.