Itoobiya Oo Hawada Ka Saartay Website Keeda Arimaha Dibada

1746

Iyadoo uu taagnaa muranka khariidadii Afrika ee Soomaaliya loogu daray Itoobiya ayaa waxaa maanta hawada laga
saaray bogga wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ee sawirka khariidaddaas lagu daabacay.
Lama oga sababta website-kan hawada looga saaray inay la xidhiidho khaladkii lagu tilmaamay inuu meel ka dhac ku ahaa Soomaaliya iyo dalal kale, kaasoo ay ka cudur daaratay dowladda Itoobiya.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada ee Soomaalida ka taagneyd xiisad ka dhalatay sawirka khariidadda oo siyaabo badan loo fasirtay.
Qoraal isla bogga wasaaradda lasoo dhigay ayaa looga cudur daartay arrintaas, waxaana lagu sheegay in isla markiiba laga saaray sawirkii sida khaldan kusoo galay.
Dowladda Soomaaliya ayaa oo markii ugu horreysay ka hadashay dhacdadaas ayaa sheegtay in ay si hoose ugala hadashay dowladda Itoobiya.

Itoobiya ayaa ka hadashay qoraal lagu arkay bogga intarnet-ka ee wasaaraddeeda arrimaha dibedda, kaas oo Somaliland iyo Puntland lagu daray liiska dalalka ay matalaad diblumaasiyadeed ku leeyihiin.
Itoobiya waxay sheegtay inay aqoonsan tahay madaxbanaanida Soomaaliya.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Nebiyat Getachew, ayaa BBC u sheegay in “Puntland iyo Somaliland ay u aqoosan yihiin in ay hoostagaan dowladda federaalka ee Soomaaliya.