Itoobiya oo sheegtay saamiga ay ku yeelaneyso Shiidaalka laga helo dowlad deegaanka

1627

Kulan ay yesheen Xubnaha Baarlamaanka Federaalka dalka Itoobiya ayaa waxaa ay ku meel mariyeen Xeer Qabyo ahaa oo horyaallay Golahaas, kaas oo ah Xeerka qeybsiga Kheyraadka dabiiciga ah ee dalkaasi Itoobiya.

War laga baahiyay Tv-ga Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu sheegay in Kheyraadka dabiiciga ah ee laga helo dowlad deegaanka ay Dowladda Federaalka Itoobiya ku leedahay 25% halka Dowlad deegaanka ku leeyihiin 50 % halka 25% ee soo hartay si gaar ah loogu qoondeeyey deegaannada dalka oo dhan.

Hadaba sida xeerkaa la ansixiyey waxna looguu qoondeeyey waxa ay ka dhigantahay in Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya oo dhawaan laga helay gaaska dabiiciga ah iyo shidaalba uu qayb libaax ka helayo qaybsiga khayraadkaa laga helay gobolka Soomaalida.

Marka la faah faahiyo xeerka la ansixiyey waxa gobolka Soomaalidu ka helayaa shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee laga helay deegaannadiisa in ka badan kala bar dakhliga ka soo xaroon doona shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ba.

Xildhibaannada golaha baarlamanka federaalka ugu jira Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya iyo masuuliyiinteeda kaleba waxay ku doodeen in xeerkaa la ansixiyey uu dhaqan galo oo lagu saleeyo miisaaniyadda sannadka soo socda ee 2012-ka ee tirsiga Itoobiya. Hase yeeshee waxa la isku raacay in xeerkaa la ansixiyey si buuxda loo dhaqan geliyo sannadka ka dambeeya ee 2013-ka ee tirsiga Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, xeerkan cusub ee la ansixiyey ee qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee Itoobiya ayaa sida uu u qaybiyey khayraadku ka duwan tahay sidii markii hore dadku u haysteen oo ahayd in aan Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya wax buuran ka heli doonin khayraadka gobolka Soomaalida laga helay taas oo Xubno ka tirsan Ururka ONLF ay kasoo horjeesteen.