Itoobiya Taliyihii Guud Ciidanka Milatariga iyo Taliyihii Sirdoonka oo xilka laga qaaday

1325

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka ee Itoobiya Abiy Axmed ayaa xilka qaadis ku sameeyay Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaas, isagoo sidoo kale magacaabay Saraakiil Ciidan, xili uu socdo weli dagaalkii uu ku dhawaaqay.

Dr. Abiy Axmed oo Wareegto soo saaray ayuu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkiisii Demokan Meko ugu magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Kana soo jeeda Qowmiyada Amxaarada  waxaana uu xilkaas laga qaaday Wasiirkii haayay.

Temesgen Tiruneh oo ahaa Madaxweynihii xilka iska Casilay ee deegaanka Amxaarada ayuu Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Taliyaha Sirdoonka Itoobiya, xili uu daqiiqado kahor uu is Casilay.

Sidoo kale Abiy ayaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Itoobiya u magacaabay, Birhaanu Juli, halka Gen. Ababaw Tadesse uu isna u magacaabay ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada.

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka ee Itoobiya ayaa sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliska u magacaabay, Demelash G. Michae.

Warbaahinta Itoobiya waxay sheegtey in isbeddelkan lagu badbaadinayo dalkaas oo haatan uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidanka Milateriga Itoobiya iyo kuwa Gobolka Tigreega.