ilyaas Gabboose oo noqday Sanatorkii ugu horreeyey ee ladoortay+SAWIRRO

1028

Magaalada Kismaayo waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay doorashada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dhinaca Jubbaland, waxaana doorashada goobjoog ah guddiga hirgelinta doorashooyinka.

Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartmaya illaa sagaal musharrax oo mid ka mid ah ay tahay gabar, kuwaas oo ku loolamaya afar ka mid ah sideeda Senator ee ay Jubbaland ku leedahay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kursiga koowaad ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Iyaas Gabboose iyo Maxamed Axmed Sayid, halka Sharmaake Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa musharixiintii horey loo shaaciyey uusan ka qeyb gelin tartanka doorashada ka dhacday Kismaayo.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa shaaciyey in musharrax Maxamed Axmed Sayid uu helay 17 cod, halka Iyaas Bedal Gabboose uu helay 55 cod, waxaana sidaas uu ku noqday Senatorkii 1-aad ee loo doortay Aqalka Sare.

Ilyaas Bedal Gabboose ayaa horey u soo noqday guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Doorashadan waxaa goobjoog ah guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal iyo sidoo kale kan xalinta khilaafaadka doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Jubbaland ayaa noqoneyso maamul goboleedkii ugu horreeyey ee bilaaba doorashada, gaar ahaan soo xulista Senatorada cusub ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.